ALLAH JANADA UU KUUGU TALO GALAY

01/21/2013 05:56

Jannada cuntadeeda iyo cabitaankeedu waa aad u cajiib badan, sida allaah u yiri {naf waliba waxay leedahay waxay niyaysato oo ay jeclaato indhaheeduna ku qabawsadaan). Wuxuu nabigu xadiith ku yiri {kawtharku waa wabi uu allaah (sw) aniga i siiyay, caanaha waa ka cad yahay, malabkana waa ka macaan yahay, wuxuu leeyahay shimbiro aad u waawayn, surka shimbiruhu wuxuu le'eg yahay surka geela, halka markii uu nabigu maraayay ayaa waxaa istaagay Cumar Ibnu Khidab wuxuu na yiri "wal-laahi rasuulkii ilaahayow waa nimco waxa aad ka sheekaynaysaa" wuxuu nabigu ku jawaabay cunideeda ayaa ka sii nimco badan}. Wabiga uu nabigu xadiithkaan ku sheegay waa wabi allaah uu nabiga siiyay maalinta qiyaamena marka dadka ay ka soo baxaan qabuura-ha nabiga ayaa dadka mu'miniinta ah ka waraabinaya, nabigu wuxuu sheegay in uu umaddiisa u yahay ceelalyo (mid darka ceelka uga sii hor mara umaddiisa si uu darka ugu hagaajiyo oo uu markay yimaadaaana u waraabiyo) wabigaa marka uu nabigu dadka waraabinaya waxaa laga celinaya dad calaamadihii muslimiinta leh markaas ayuu nabigu u dhawaaqayaa allaah, wuxuu oranayaa ilaahayow kuwaasi umadayda ayaay ka mid yihiin, markaas ayaa nabiga loogu jawaabayaa "nabi maxamadow ma garanaysid waxay ay diinta ku soo kord-hiyeen gadaashaa" waana kuwa waxyaalaha bidcada ah dadka diin uga dhiga iyagoo dano gaar ah ku wata. Jannada cunadeeda iyo cabitaankeeda qofku ka daali maayo, sida nabigu yiri: maalin ayaa nabiga waxaa u yimi nin yuhuud ah wuxuu nabiga ku yiri nabi maxamadow waxaad sheegtay dadka ahlu jannaha ahi cuntada iyo cabitaanka ka daali maayaan nabigu wuxuu ku jawaabay allaha ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye qofka ahlu janna-ha ah waxa la siiyay awood u dhiganta boqol qof xagga cunida iyo cabida iyo waliba xagga jamaaca (galmada ama u tagidda xaasaskooda), halkaa markii uu nabigu marinayay xadiithka ayuu wuxuu yiri ninkii yuhuudka ahaa qofkii wax cuna oo caba waxaa u baahanyaa in kor tago jannada waxaad sheegtay in ayan dhib lahayn arintaasi dhib ayey qofkii ku noqonaysaa, wuxuu nabigu ku jawaabay qofku waxaa jirkiisa ka soo baxaya dhi-did ka udgoon miskiga markuu dhididana waxaa ka baxaya wixii caloosha ku jiray markaas ayuu haddana ku laabanaya cuntadii.

Hadiyad

Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq " SAYID CALI rc "

11/11/2013 01:56
Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri: - Samada maxaa ka culus ? - Dhulka maxaa ka ballaaran...

Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa

11/11/2013 01:47
Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:- - Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa. - Ruuxii...

Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay

11/11/2013 01:41
Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri: - Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay naxariista...

Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood

11/08/2013 16:25
- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood, - Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan...

Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan

11/07/2013 23:40
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan  hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii...
Items: 1 - 5 of 17
1 | 2 | 3 | 4 >>

Ducooyin

Ducadaan hoos ku xusun waa mid ey ku jurto balanqaad ka ahaaday (allaah subxaanuhu wa tacaalaa) hadaba waa maxaay balan qaadka

11/07/2013 23:21
(Adoonkii aqriyaa subuxii aroortii hore isla maalintaa geeriyooda wa ahlu janno sido kale adoonkii aqriyaa habeenki isla habenka geeriyooda wa ahlu janno inta taqaano xasuusin wacan. Inta aan aqoon ka faa'iideysi wacan. aqriso ducadoo ku qoran luuqada soomaaliga allaahumma! Anta rabbii, laa...