Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii waxaad u dhaqaaqdaba socon waayo, hadii , hadii , hadii marna yaan afkaaga laga maqal ilaahayoow sidani maxay tahay? ilaahayoow ma dhibaato iyo silic baad ii abuurtay! dadka kaleba sidaan mahee aniga maxaad sidaan igu gashay ma i nacday?!! dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan laakin kaga gudbay imtixaankaa sabir iyo baryo, adiguse aad isku haysato kan aduunka kaligii ku silcaya kan kaliyee dhibku haysto kan kaliyee la imtixaamay bal wareyso dadka kale aad ogaatid nicmooyinka faraha badan eed haysato..
