Dhibka lagu hayo masjidka al-aqsa oo sii kordhaya
Ayada oo ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka baaxadda leh ee ay Yuhuudda ku hayso masjidka barakeeysan ee Al-aqsa, ayaa qaaylo dhaantii ugu danbeeysay uguna khatarsaneed waxa qaylo dhaan ka soo yeertay Sheekh Raa’id Salaax oo ah madaxa Dhaq-dhaqaaqa islaamiga ah ee gudaha Falastiin.
Shir-jaraa’id oo uu sheekha ku qabtay Xaafadda Sheekh Jaraax ee magaalada Qudus, ayuu daboolka kaga qaaday Sheekh Raa’id in ay jiraan 50 goob cibaado oo ay Yuhuudda leedahay kuwaasi oo ku hareereeysan Masjidka Al-aqsa iyo waliba boqolaal dhismooyin kale oo ka mid ah kuwa Yuhuudda xooga ay uga dhisatay Cariga Falastiin.
Sheekha Raa’id waxa uu sheegay in goobaha Cibaadada ee laga dhisayo masjidka hareerahiisa in ay gaarayaan boqolaal balse uu isaga arkay liis ay ku qoronyihiin 50 goobood oo ah kuwa ay Yuhuudda ku cibaadeeysato, isaga oo sheegay in ay tahay arintaan mid khatar ku ah jiritaanka masjidka barakeeysan ee Al-aqsa.
Goobaha cibaadada ee noocaan ah oo lagu yiraahado afka Carabiga Kunus, ayaa waxa ay hordhac u yihiin Haykalka ama qaab dhismeedka 3aad ee ay damacsantahay Yuhuudda in ay ka taagto halka uu ku qotomo masjidka AL-aqsa.
Waxaa la sheegayaa in dhibaatoyinkaani oo dhan ay imaanayaan xili madaxda Carabta ah iyo kuwa muslimiinta ah ayan dhag jalaq u siineyn khatarta heysata masjidka Al-aqsa oo ah qibladii koowaad ee muslimiinta islamarkaana ah xaramkii sedexaad ee muslimiinta.