Gabadh tawbad la'aan ku geeriyootey , Qiso naxdin leh
Qiso aad u ku cibro qaadasho leh::
Qisadani Yeman ayey ka dhacdey waxayna ku saabsan tahay gabar dhalin yaro ah Familkeedana ay jecelihiin inay wax barato (maadiska). Familkan salaadda Ma aysan xifdin jirin, inay musalsalaat iyo wuxuusan Allah karaali ahayn fiirsadaan ayey kadoor bideen cibaadadii Allah u abuuray. Maalinkii ayey jiifan jireen si musalsalaatka u fiirsadaan habeenki halkaasna salaaddii ayaa kudhaafi jirtay. Gabadhaan dhalinyarta ah ayaa ku riyootay in nin u yimid kadib u dhahay nafta lagaa qaadi bil kadib waalidkeed ayey usheegtay riyadeedii iyo wuxuu kudhahay ninkii waxayna kudheheen walidkeed inan yar tahay maxay tahay waxaan aad sheegayso jamacadaada dhigo. Dhawr maalmood markay kasoo wareegeen ayey hadana riyootay sidii oo kale 2 asbuuc ayaa ku harsan ayuu dhahay, waalidkeedna dhag jalaq uma siin riyadey ku riyootay . Nolosheedii hore ayey siiwadatay asbuuc kadib ayuu ninkii usoo noqday una sheeg in 1 asbuuc u harsan yahay (si u tawbad keento), wuuxuuna usii raacshey intaas in la fiirsho oo marada laga qaado wajigeeda markay dhimato.Asxaabteedii ayey ushegtay dardaarankii usiiiyey ninkii riyada ugu yimid. Sidii u caadada u ahayd gabartii jaamacadii ayey kasoo rawaxdey markay qubeesatay qadeeysay ayey seexatey. Mawtkii ayaa usoo xaadiray ayadoo huruda halkaas ayeyna ku geeriyootay tawbad la, aan iyo waalidkeedii oo ku calaacalay maxaan u rumaysan weynay riyadeedii. Ayadoo halkii laga murugaysan yahay ayaa soo waceen asxaabteedii ay usheegtay dardaarankii ahaa in wajigeeda laga feydo marada sidii ayaa lasameeyay. Subhanallah WAABA MAS! ! WAYN! ! o 2diisa carrab ku ciyaarsiinaya indhihii gabadha dhimatay walciyaadubillah! Kaddib waa la naxay waxaana la is dhahay haddii maydka talaajada barafka lagu rido illaa 2 asbuuc maskaan wuu dhamanaya, lakiin Allah wuxuu soo dirsaday ayuu ahaa muusan dhiman Allah arinkiisana cid celin kartaana majirto qabashdiisuna wey adagtahay. Waxaa la go'aansaday in maydkaan iyi maskaan lawada aaso madaama arinkaan yahay ciqaab Allah xagiisa kayimid waxna laga qaban karin. Waa la'aasay maskii Allah usoo dirsadayna wuu lagalay qabriga Subhanallah! ! إن بطش ربك لشديد! ! Buruuj
#Ilaahey waa Danbi dhaafe... Wuuna suga... Balse hadii uu mar ku qabto!!! Wey darantahay Qabashadiisu!!!
FG..qof walba Allah xuduudisa ku xad gudba kana tawbad keeni waya u Allah qabanayo kamana baxsan karno xisaabtii aakhirana ay noo danbeyso Akhi wa Ukhti Fillah ilaali Allah xuduudkiisa wallahu tacala aclam.
