ILLAAHAY WALI WUU KU JECEL YAHAY - QISO DHAB AH OO AAD OOYAYSO

02/19/2013 16:39

 

Qisadaan waxey ka dhacdey Dalka Netherlands ama Holland sidii u yaqano qof waliba.
Wiil yar oo 11 jir ah iyo aabahiis oo ahaa imam masaajid ayaa jimco walibo waxey qeeybin jireen oo guri-guri u geeyn jireen buugaag ka hadlaayo diinteena islaamka oo la oran jirey “WADADA JANADA”.

Jimco ka mid ah jimcooyinka ayaa jawiga aad u xumaa waxaa d
a’aayey roob xun waxaana jirey qabow aad u daran.

wiilkii yaraa ayaa aabihiis u yimid kuna yiri: “Aabo manta waa jimco miyeeynan buugaagtii qeybineenin ??” aabhihii ku yiri “wiilkeegiyoo manta jawiga ma wanaagsana ee ma bixi karno, jimcada danbe nooga dhig.” Wiilkii baa yiri asigoo ay ka go’antahey inuu baxo oo buugaagtaa qebiyo: “aabo ma ogtahey iney jiraan dad wali wadada naarta ah ku socdo oo nooga baahan inaa ka badbaadino, ee aabo aniga ii fasax anaa qeybinaayo manta buugaagta!! ” aabihii baa u fasaxey wiilkiisa inuu qeybiyo kutubta.

Wiilkii yaraa ayaa xirtay dhar aad u culus si uu qabowga uga gambado iyo roobka socda, sidii cadaada aheed waxuu bilaabey inuu kutubta siiyo qof walboo ka soo hor baxo, siduu u qeybinaayey kutubtii ayaa waxaa u soo harey hal kutub, cid uu siiyona wuu waayey oo wadadii dhan ayaaba cidlo ah qof walibo waxuu ka ganbadey roobka iyo qabowga.
Waxuu go’aansadey inuu guri ka soo hortiisa ku yaaley inuu garaaco oo uu siiyo qofkii ka furo ilbaabka. Iridii ayuu gaaracey, wax ka furana wuu waayey, waxuu go’aansadey inuuu si fiican u garaaco ilaa laga furana uusan ka tagin irida.
Mudo markuu xoog u garaacaayey irida ayaa waxaa ka furtay haweeney uu wajigeeda ka muuqdo xanaaq iyo murugo.

Waxeyna ku tiri:”wiilkeegiyo maxaan ku qabtaa?” wiilkii baa ku yiri: “Mamo iga raali noqo hadan ku dhibey oo kaa xanaajiyey, waxaan kuu wadaa kitaab ka ka hadlaayo, wadada janada sidaa ku gaari laheed, Ilaheyna waa ku jecelyahey, ee iga gudoon !!:. haweeneedi ayaa sidii ku qaadatey kutubkii ugu danbeeyey.

Markii laga joogo hal isbuuc oo la gaarey jimcadii xigtey ayaa waxaa masaajidka qudbada ka socotey markey dhamaatey ayaa imaamkii yiri :”yaa su’aal qabo”. Dadkii baa wada aamusey, xooga ka dib haweeney safafka danbe ku jirtey ayaa ku dhahdey aniga waxeyna tiri: “jimcdaan ka hor waligey masjid ma imaanin oo waxaan ahaa gaal, jimcadii hore waxey aheed maalintii uu iga dhintey ninkeegii, waxaana go’aansadey inaa nafteeda dilo, anigoo xarig dhuunta gashtey oo rabo inaa is daldalo ayaa waxaa irida iisoo gaaraacey qof, lakin waxaan go’aansadey inaanan ka furin, xooga ka dib ayuu xoog u garacey, waana ka forey markii danbe, waxuu ahaa wiil aad u yar oo ay ka muuqato wajigiisa farxad iyo nuur fara badan, waxuu Igu dhahey erey galbigeega taabtey oo ah ILAHEY WALI WAA KU JECELYAHEY, waxuuna isiiyey kutub yar oo aad u qiimo badan, markaan aqrsitey waxaan go’aansadey inaa wali noolaado. Diinta islaamka ahna qaato, sababtoo ah waa diin naxariis ah.. ALAHMDULLILAH ”

SUBXANALLAH!!!
Qof walbo masjidka joogey ayaa wada ilmeeyey... hal mar kuwada dhawaaqey ALLAHU AKBAR.
Imaamkii oo ilmeenaaya ayaa wiilkiisii yaraa soo ag fadhiistey una mahadceliyey

Hadiyad

Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq " SAYID CALI rc "

11/11/2013 01:56
Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri: - Samada maxaa ka culus ? - Dhulka maxaa ka ballaaran...

Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa

11/11/2013 01:47
Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:- - Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa. - Ruuxii...

Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay

11/11/2013 01:41
Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri: - Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay naxariista...

Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood

11/08/2013 16:25
- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood, - Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan...

Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan

11/07/2013 23:40
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan  hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii...
Items: 1 - 5 of 17
1 | 2 | 3 | 4 >>

Ducooyin

Ducadaan hoos ku xusun waa mid ey ku jurto balanqaad ka ahaaday (allaah subxaanuhu wa tacaalaa) hadaba waa maxaay balan qaadka

11/07/2013 23:21
(Adoonkii aqriyaa subuxii aroortii hore isla maalintaa geeriyooda wa ahlu janno sido kale adoonkii aqriyaa habeenki isla habenka geeriyooda wa ahlu janno inta taqaano xasuusin wacan. Inta aan aqoon ka faa'iideysi wacan. aqriso ducadoo ku qoran luuqada soomaaliga allaahumma! Anta rabbii, laa...