Ma Rabtaa Inaad Noqoto Qof La Jecel Yahay !

11/11/2013 21:01

Hamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaadho marka la maro dadaal iyo daal badan.

Ma rabtaa inaad noqoto qof la tixgaliyo oo la jecelyahay, hadaba isku tarbiyee sifooyinkan 20ka�ah:

  1. Badi dhoola cadaynta, waji furnaanta � muusoodka �
  2. Si run iyo daacadnimo ku jirto u amaan qofkii u qalma adigoo ka madhan laba wajiilanimada, soo jiidasho iyo nifaaqba.
  3. Ka fogow muranka iyo dood badanba waayo waa bilowga canaadka, colaada iyo kala gu�ida e.
  4. Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga.
  5. Iska yaree canaanta una cudurdaar qofkii kugu gafa ( kugu khaldama )
  6. Iska ilaali cadhada siday doonto ha ahaato�e waayo waxay fal shaydaan. La soco caafimaadka iyo caqligana aad bay ugu daran tahay.
  7. Badi salaanta, waayo walaaltinimada ayay xoojisaa.
  8. Hadii aad awoodo sii Hadiyad haba yaraato qiimaheedu�e, ehelkaaga iyo asxaabtaadaba.
  9. Isbar inaad dhagaysato qofka kula hadlaya, barona habka wax loo dhagaysto inta aadan baran habka loo hadlo.
  10. Ka fogow balaayeysiga iyo baasaysigaba, rajadana iyo yididiiladana badi, waayo rajada oo la badiyo waxay kuu noqonaysaa taageero iyo xoog aad ku dhaafto waqtiyada adag e.
  11. Iska jir qalbi adayga iyo calool adaaygaba waayo waa sifooyinka doqoniimada e.
  12. Markaad fikrad soo ban dhigayso qof dareensii inay tahay wax aad wada leedihiin oo aanad ka fariidsanaynayn kana caqli badayn.
  13. Iska jir isla waynida tusna dadka inaad tahay iyagoo kale, heerka aad doontaba aad gaadhid e, waayo Rabiigeen sw ma eego qofka isal wayn qiyaamaha, lan soco in Aadam iyo xaawo ay in wada dhaleen dhmmaanteen.
  14. Badi saamaxaada iyo cafiga waayo nadaafada qalbiga iyo naftaba e.
  15. Marka aad qof waaninayso ilaali dareenkiisa oo ha ku odhan ereyo dhaawacaya qalbigaysiisa iyo naftiisa toona.
  16. Caawi oo garab sii qayrkaa marka ay kuu baahan yihiin waayo Rabi baa kuu kaalmayn doona maalainta aad baahatoe.
  17. Iska ilaali dhaliisha aflagaadada iyo naqdiga badan waayo kalmada xumi qalbiga ayey wax yeeshaa, waxaa laga yaabaa inay colaad iyo nacayb isu bedeshoe.
  18. Ha badin qosolka aan haboonayn - waayo qosolka aan macnaha lahayni haybada iyo daganaanta ayuu kaa qaadayaa e.
  19. Isbar dulqaadka iyo adkaysiga waayo waa laba sifo oo Rabigeen iyo Rasuulku csw ay jecel yihiin
  20. Ka faa�idayso waxyaalaha wanwanaagsan ee hareerahaaga ah noqona sida shinida oo kale waayo inta ay kolba ubax fuusho ayey kala baxdaa Manka iyo Muudkabaa

    Xigasho :: Khadijahome.com

     

Hadiyad

Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq " SAYID CALI rc "

11/11/2013 01:56
Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri: - Samada maxaa ka culus ? - Dhulka maxaa ka ballaaran...

Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa

11/11/2013 01:47
Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:- - Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa. - Ruuxii...

Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay

11/11/2013 01:41
Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri: - Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay naxariista...

Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood

11/08/2013 16:25
- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood, - Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan...

Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan

11/07/2013 23:40
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan  hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii...
Items: 1 - 5 of 17
1 | 2 | 3 | 4 >>

Ducooyin

Ducadaan hoos ku xusun waa mid ey ku jurto balanqaad ka ahaaday (allaah subxaanuhu wa tacaalaa) hadaba waa maxaay balan qaadka

11/07/2013 23:21
(Adoonkii aqriyaa subuxii aroortii hore isla maalintaa geeriyooda wa ahlu janno sido kale adoonkii aqriyaa habeenki isla habenka geeriyooda wa ahlu janno inta taqaano xasuusin wacan. Inta aan aqoon ka faa'iideysi wacan. aqriso ducadoo ku qoran luuqada soomaaliga allaahumma! Anta rabbii, laa...