MIYAANAAD BALAN IGA QAADIN
03/25/2013 00:00
MAQAALKAN WAXAA QORTAY . FAATUMA AHMED GEEDI...
Muddo fara badan ayaa ka soo wareegtay guurkeygii anigoo markaan iloobay nafteyda wax ihtimaam ahna siineyn iskumaan dayi jirin inaan labisto waxna ka baddelo muuqaalkeyga goorma ayaa iigu dambeysay muraayadda horteeda maba xusuusto
Tallow cabdiraxmaan ma sidan ayuu raalli iiga yahay maanan baddelin dabeecadaa ilaa maalintii dambe seygeyga uu iiga naxsadey su’aashan;
Isaga: miyaadan ballan iga qaadin faatmaay inaad ii noqonayso zowjad saalixad ah?
Waan jiriricooday su’aalo fara badan ayaa si degdeg ah madaxeyga ugu soo dhacay tallow c/raxmaan ma

salaadeydu qalad ku arkay? Mise xijaabkeyga? Waxaa ina dhex martay doodan
Aniga; miyaad aragtay wax wax u dhimaya islaaxayga?
Isaga;haa
Aniga:ma waxaad aragtay anigoo dayacay salaada waqtigeeda?
Isaga:maya
Aniga:miyaan dib uga dhigaa waqtigeeda, mise waxaan ka gaabiyay xaqaaga?
Isaga:maya Alxamdulillah maalina maadan dayicin xaqaan kugu leeyahay salaada waqtigeedana waad ilaalisaa.
Aniga:sideen ku noqon waayay zowjad saalixad ah?
Isaga:wax ihtimaam ah ma siisid labiskaada.
Aniga:si caro ah maxaa iska galay islaaxayga iyo labiskayga?
Isaga;wax baa iska galay.
Aniga : oo aad u careysan weydii ruuxaad rabtid o culimo ah in labiskeyga iyo islaaxayga ay wax iska galeen
Isaga:qofna ma weydiinaayo waayo nabiga caleyhi salaatu wasalaam ayaa ii sheegay
Aniga:waligay ma maqal mana arag hal xadiis oo sheegaya in haweenayda labisata ay saalixad tahay.
Isaga:ma hubtaa?
Aniga:haa waan hubaa inuusan jirin.
Isaga: I maqal sow nabiga calayhi salaatu waslaam nooma sheegin in hawenayda saalixada ahi ay ka mid tahay midda markuu ninkeeda eego farxad galineysa miyaanay sidaa ahayn?
Aniga;laakiin muu odhan midda labisan
Isaga:maxay ku farxad galisaa marka la fiiriyo sow inay labisnaato maaha oo muuqaalkeedu qurux badan yahay.
Waan fahmay ujeedada c/raxmaan iyo inuu iga saxsan yahay ina dareensiinayo ahmiyada ay leedahay labiska iyo muuqaalka quruxda badan
Markaasaan ku idhi haddii yacnii haweenayda ay leedahay muuqaal wanaagsan way farxad galisaa ninkeeda taasina waxay noqonaysaa qeyb ka mid ah
islaaxeeda markaasuu yidhi axsanta faatmaay waad garatay.
Hadaba in badan oo inaga mid ah ayaan ihtimaam siinayn muuqaalkeena inagoo is leh ninkan waxaas dan kama laha.
Laakiin cabdiraxmaan oo kale ma heysano waxaynu haysana rag soomaaliyeed oo aan danba ka laheyn tooda uun miista markay arkaan gabadh labisana indhaha la raaca iyagoo aan xaasaskooda ku tarbiyeyn siday muuqaalkooda u hagaajin lahaayeen...
Xigasho www.khadijahome.com
Tags:
Hadiyad
Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq " SAYID CALI rc "
11/11/2013 01:56
Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri:
- Samada maxaa ka culus ?
- Dhulka maxaa ka ballaaran...
Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa
11/11/2013 01:47
Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:-
- Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa.
- Ruuxii...
Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
11/11/2013 01:41
Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri:
- Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
naxariista...
Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood
11/08/2013 16:25
- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood,
- Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan...
Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan
11/07/2013 23:40
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii...
Items: 1 - 5 of 17
Ducooyin
Ducadaan hoos ku xusun waa mid ey ku jurto balanqaad ka ahaaday (allaah subxaanuhu wa tacaalaa) hadaba waa maxaay balan qaadka
11/07/2013 23:21
(Adoonkii aqriyaa subuxii aroortii hore isla maalintaa geeriyooda wa ahlu janno sido kale adoonkii aqriyaa habeenki isla habenka geeriyooda wa ahlu janno
inta taqaano xasuusin wacan. Inta aan aqoon ka faa'iideysi wacan.
aqriso ducadoo ku qoran luuqada soomaaliga
allaahumma! Anta rabbii, laa...