Qiso diini ah oo wax badan qalbigaaga ka bedeli doonta , Akhri oo ka faaiidayso
Nin ayaa maalin maal-maha kamid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib-matey, dhamaan dadkii oo idil waxeey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane…
Xeeb ayuu kusoo gaarey si naf la-caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iskaba daayee…
Rafaad iyo silac fara-badan kadib ayuu wuxuu bilaabey inuu dhisto daash isago oo soo uruursadey xaabo…
Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la-cuno leh…
Hase ahaatee wuxuu dib ugu soo laabtey daashkii oo gubanaaya, markaas buu wuxuu yiri:- Allow Maxaa sidaan igu gashay…
Habeenkii wuxuu seexdey daashkii uu dhistey meel aanan ka fogeyn, subixii ayuu wuxuu kusoo kacey qeylada markab soo gaarey goobtii uu joogey…
Raggii Markabka saarnaa ayaa soo bad baadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri:- war niman yahow sidee ku ogaateen inaan joogo goobtaas…
Waxeeyse ugu jawaabeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney Qiiq iyo holac hawada isku shareerey, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u baahan caawinaad ee ina keena, sidii ayaa kuugu imaaney kuguna soo bad-baadiney…
Fiiro gaar ah:- hadaba Ilaahey (sw) wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan fileeynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go’aankiisa…
Ninkaan wuxuu ka xanaaqey daashkii laga gubey balse Ilaahey (sw) wuxuu dabkaas ugu badaley bad-baado iyo isago oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey…
Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la’aan is dhiibno, lagana yaabo inuu Ilaahay (sw) wanaag noo soo wado…
Sidoo kale ku darso nabiyullaahi yuusuf (caleyhi salaatu wasalaam) dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis marsiiyeen ilaahey wuxuu ugu badaley inuu noqdo boqorka ama casiiska masar…
