Sacaadada ama liibaanta
|
Liibaantu ama Sacaadadu waa kalmad macaan oo qurux badan.!Lama iibiyo suuqana ma taalo. Balse wa Nicmada Rabbi agtiisa Taala.
In badan oo dadka ka mid ah jaahil ayay ka yihiin waxayna ka raadshaan meelo badan oo aysan oolin.........! Waxaa dhacda in ay qofka agtaalo.. ama gacmahiisa hoostooda ay ku jirto ama farahiisa dhex dooda..........! Waxaa dhacda mararka qaar in aan haysano ��Sacaadah�� Liibaan balse aanan garanayn sidaan u adeegsan lahayn, iyo sidaan ugu farxi lahayn.
Sacaadadu horteena ayay taala halka aanu ka maqanahay yacni ka raadineeno meelo kale! Alxamdulilaah Caafimaadka aan haysano iyo xoolaha uu nagu deeqay, iyo quruxda uu nasiiyay oo xayawanka nooga duway, iyo lixdeena lixaad uu noo dhameestiray, Bal Nagu manaystay Nicmada mida ugu weyn ee Naga Yeelay Muslimiin..! Miyaysan intaa nagu filneen oo aynan noqon karin Sucaadadu? Kuwo liibaan ku dhex sugan�! Miyaysan intaa nagu filneen in aan Allaah ugu Mahad celino? Subxanahu watacaalaa Nicmooyinkiisa aan lasoo koobi karin.. Ila dhaha Alxamdulilaaaaaaaaaaaaaaaaaaah Wabillaahi towfiiq, Ukhtukum fillah
WQ:Hodan Hussein Sugulle |
