Shareecada islaamku waa dhisme dhamays tiran.......
02/19/2013 15:41
Qof wal oo Muslin ahi ba waa ogyahay inay caqiidadu tahay asaaska diinta Islaamka. Caqiidadu diinta Islaamka intiisa kale waxay uga dhigantahay waxa wadnuhu jidhka intiisa kale ugu dhiganyahay. Hadduu wadnuu caafimaad qabo oo uu xoog yahay, jidka intiisa kalena waa caafimaadayaa xoogna wuu noqonayaa. Haddii si wuu bukoodo oo uu itaal dareeyo, jidhka intiisa kalena waa bukoonayaa waana itaal daraynayaa.
Sifahaasi aan kor ku xusayna waxa tusaale u ah, dhinac caafimaadka iyo xooggaa, xiligii Rasuulka (Calayhi Salaatu Wa Salaam) iyo asxaabtii suubanayd oo ay caqiidadu caafimaad qabtay xoogna ahayd. Waxan taasi dhalisay in uu Islaamki fido oo uu awood yeesho ilaa uu hantiyay labadii dawladood, Ruum iyo Furus, ee xiligaa ahaa labada dawladood ee aduunka ugu xoog roon. Dhinaca bukaanka caqiidada iyo tag daradna waxa tusaale u aha xiligan aynu joogno oo Muslimiintu iyaga oo tiro badan haddana ay tag daranyihiin oo taladoodii iyo daqaalahoodii uu gacanta u galay dad aan Muslin ahayn oo cadawgood ah.

Khatarta ugu weyn ee markaa Muslimiinta haystaa waa caqiidadooda oo bukoota. Mar haddii ay caqiidadu bukooto, bulshaduna waa bukoonaysaa, waana tag daraynaysaa, ka dibna, cadowga ayay u gacangelaysaa. Waana sida xaalka Muslimiintu intiisa badan yahay maanta.
Haddaba, haddii bukaan oo dhami dawo leeyahay, waa maxay dawada caqiidada bukootaa?
Caqiida nuxurkeed waa garashada "La ilaaha illa Laah" iyo ku dhaqankeeda. La ilaaha illa Laah waa eray suuban, oo dhidban, oo leh laamo baxay. Hadal uu Nebegeeni iyo Nebeyadii kale (CSWS) yidhaahdaan waa hadalka ugu qaayo weyn ugna mudan. Waa hadalka Nebi waliba baaqiisa ku bilaabay. Waa hadlaka qofku diinta Islaamka ku soo galo. Mar hadduu ku dhawaaqo oo uu ku camal falona, ay noqonayso xaraan in la taabto diintiisa, naftiisa, caqligiisa, maalkiisa, iyo ehelkiisa
haddii aan xaq lagu lahayn.
Garashada dhabta ah ee La ilaaha Illa Laah, cibaadada udubdhexaadka ah, iyo dhaqan Islaameedka qoraalada soo socda ayaynu ka hadli, haddii Alla yidhaa.

Tags:
Hadiyad
Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq " SAYID CALI rc "
11/11/2013 01:56
Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri:
- Samada maxaa ka culus ?
- Dhulka maxaa ka ballaaran...
Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa
11/11/2013 01:47
Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:-
- Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa.
- Ruuxii...
Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
11/11/2013 01:41
Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri:
- Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
naxariista...
Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood
11/08/2013 16:25
- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood,
- Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan...
Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan
11/07/2013 23:40
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii...
Items: 1 - 5 of 17
Ducooyin
Ducadaan hoos ku xusun waa mid ey ku jurto balanqaad ka ahaaday (allaah subxaanuhu wa tacaalaa) hadaba waa maxaay balan qaadka
11/07/2013 23:21
(Adoonkii aqriyaa subuxii aroortii hore isla maalintaa geeriyooda wa ahlu janno sido kale adoonkii aqriyaa habeenki isla habenka geeriyooda wa ahlu janno
inta taqaano xasuusin wacan. Inta aan aqoon ka faa'iideysi wacan.
aqriso ducadoo ku qoran luuqada soomaaliga
allaahumma! Anta rabbii, laa...