Sheeko dhacdo ah ! Runtii aad u cajiib ah

01/31/2013 15:35

Sheeko Dhacda ah! Runtii aad u cajiib ah....
Waa qiso diini ah iiguna yaabka badneed!!

Wakhtigii taabiciyiinta magaalada ugu wayn ee
muslimiintu wax ka bartaan waxay ahayd magaalada Baqdad ee haatan caasimada u ah Iraq sido kale waxay ahayd magaalada laga maamulo dowlada Islaamka maalin maalmahaa ka mid ah ayaa waxa magaalada yimid nin ka socda boqortooyadii ruumka (the roman Empire ) kaasoo u sheegay khalifkiii muslimiiinta in uu haayo 3 su’aal oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin doono maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka Khalifkii ayaa isugu yeeray dhamaan culimadii muslimiinta iyo dhamaan wixii aqoonyahan ahaa kadib ayuu amray ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su`aalihiisii soo daayo Ruumaanigii ayaa waydiiyaay Muslimiintiii halkaas isugu timid 3dii su’aal ee uu hayay waxa uuna ku bilaabay: 1- ilaahey horaantiiis maxaa jiray ?
2- ilaahey dhankee ayuu uu jihaystaa ?
3- ilaahey muxuu haayaa hadda (iminka) ?
Ruux hadlo ayaa laa waayay, shib iyo shib ayaa kadhacday xoogaa ka dib ayaa wiil yar oo la fadhiyay aabihii istaagay oo yiri: Aabbe anaa ka jawaabaayo su`aalahaas anigaana
idiinka aamusin doono kadib ayuu wiilkii yaraa fasax ka qaatay khalifkiii markaasuu ku yiri Roomaanigii: Ma taqaanaa sida wax loo tiriyo?
haa ayuu ku jawaabay roomaanigii markaas ayuu wiilkii yaraa yiri waxaan kaa rabaa
inaad tiriso tiro ilaa iyo toban ah waana in aad ka bilowdaa kor adigoo hoos hoos u
tirinaya
Roomaanigii ayaa bilaabay sagaal sideed todobo ilaa uu kaa gaaray kow markii uu kow gaaray ayuu aamusay
wiilkii yaraa ayaana yiri: maxaa ka danbeeya kow ?
markaas ayuu Roomaanigii ku jawaabay, waxba
kow ayaa ugu danbeeyaa
wiilkiii ayaa yiri hadii ay tiro kow ugu danbeyso oo aad dhaafin weysay sideed marka ku waydiiisay wax jiro ka gadaal midka kali ah midka kowga ah, midka axadka ah, midka
joogidda abidka ah midka ugu horeeyaa, midka ugu danbeeyaa, midka daaìimka ah?
Romanigii ayaa la dhacay jawaabta cunuga yar cunigii yaraa ayaana bilaabay ka jawaabista
su’aashii labaad taaas oo ahayd sheeg ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa ?
Wiilkii yaraa ayaa yiri shumac hala keeno kadib
hala daaro markii la daaray ayuu wiilkii waydiiday: ii sheeg halka uu holacu aadayo ama u jihaysanaayo ? Romanigii ayaa ku jawaabay holaca waa iftiiin aanan uu jihaysanaynin dhanna waqooyi , koonfur , bari iyo galbeedka wuu
ifinayaa Wiilkii ayaa ku jawaabay hadii iftiinka yar uu iftiiminaayo dhamaan afarta jiho uusanna ku ekayn dhanna: maxaad uu malayn iftiinka (nur _us-samawati-wal-Ardh? ) ilaahey dhan walbo ayuu eegayaa waana iftiinka dhamaan dhulka iyo samawatka ninkii ayaa hadana la dhacay jawaabta wiilka yar Cunigii yaraa ee xikmada ilaahey ku maneystay Intuusan waydiin su`aashii 3aad ayaa wiilkii yaraa ku yiri Romanigii: adiga minbar ayaad fuushaa anigana dhulka
ayaan taaganahay hase yeeshee anna la iga rabaa jawaab celin marka miyeysan fiicnayn inaad soo degto sii aan aniga minbarka uu fuulo si dadka dhamaantood ay u maqlaan jawaab
celintayda ? Romaanigii ayaa arintaas aqbalay oo ka soo dagay minbarkii wiilkii yaraa ayaana ku fariistay minbarkii uu kasoo degay Roomaanigu kadib ayuu waydiiyaay su`aashii 3-aad oo ahayd: ilaahey muxuu hayaa iminka ? wiilkii yaraa ayaana ku jawaabay : hada ilaahey wuxuu sababay inuu beenaale kasoo dejiyo minbar sare kuna bedelo kii asaga aaminsanaa. Iminka ilaaheyga aad waydiineyso waxa uu haayo wuxuu sababay inuu beenaale diintiisaa ku jeejeesaayo uu dhulka dhigo korna u qaado kii aaminsanaaa ilaaheyna maalin walbo xaalkiisaa waa sidii uu asagu doono markaas ayuu wiilkii yaraa akhriyeey ayaada 29 ee
suratu-Ar-Raxmaan Ninkii Romaniga ahaa ayaa asaga oo qalbi jab ku dhacay ku noqday dalkiisiii wiilkii yaraa ayaana ilaahey sababay in uu noqdo Imaan aad loo xurmeeyo lagana qaato diintaa Islaamka wiilkii yaraa ee
xikmada badnaa ayaana noqday Imaamkii weynaa ee Islaamka ee loo yaqaan Al- imaam Abu Xaniifa ( Allahu Akbar,,, Qisadii iigu yaabka badneyd inti aan qisooyin iyo sheekooyin aqrinayay )     

Hadiyad

Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq " SAYID CALI rc "

11/11/2013 01:56
Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri: - Samada maxaa ka culus ? - Dhulka maxaa ka ballaaran...

Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa

11/11/2013 01:47
Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:- - Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa. - Ruuxii...

Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay

11/11/2013 01:41
Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri: - Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay naxariista...

Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood

11/08/2013 16:25
- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood, - Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan...

Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan

11/07/2013 23:40
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan  hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii...
Items: 1 - 5 of 17
1 | 2 | 3 | 4 >>

Ducooyin

Ducadaan hoos ku xusun waa mid ey ku jurto balanqaad ka ahaaday (allaah subxaanuhu wa tacaalaa) hadaba waa maxaay balan qaadka

11/07/2013 23:21
(Adoonkii aqriyaa subuxii aroortii hore isla maalintaa geeriyooda wa ahlu janno sido kale adoonkii aqriyaa habeenki isla habenka geeriyooda wa ahlu janno inta taqaano xasuusin wacan. Inta aan aqoon ka faa'iideysi wacan. aqriso ducadoo ku qoran luuqada soomaaliga allaahumma! Anta rabbii, laa...