NIN ISAGOO CADAABKA LOO SII WADO ILLAAHAY BARYEY !!
Nebigu scw wuxuu yidhi nin ayay malaaigtu qabatay oo rabtay inay naarta geliyaan , lkn markii ay naarta korkeeda la dul joogsadeen ama la dul istaageen iyagoo raba inay ku ridaan , ayuu ninkii illaahay la hadlay oo yidhi YAA RABI ANIGU SIDAAS KAAMAAN FILANAYN .
Illaahay ayaa isagoo la hadlaaya malaaigtiisa ku yidhi YAA malaaikatii ka soo celiya naarta anigu waxaan ahay adoonkaygu siduu iga maleeyey oo janada galiya .
Walaalayaal arintani waxayna tusaysaa inaan rabigeen uu yahay mid naxariis badan oo ina jecel lkn inagu aan nahay kuwa naftooda dulminaaya , bal eeg adoonkan isagoo naarta lagu sii wado yidhi yaa rabi anigu sidaas kaamaan filanayn , yacni wuxuu uga jeedaa anigu waxaan kaa filanaayay inaad tahay rabi naxariis badan illaahayna wuxuu yidhi malaaigteydiiyey ka soo celiya naarta oo janada galiya taas waxaa ku cad in Allah uu yahay ( facaalun limaa yuriid ) siduu doono yeele
Rabigeen wuu ina jeclaanaayaa markasta oo aan ku dhaqano sharcigiisa iyo wixii uu inagu amray kitaabka quraanka iyo sunada nabiga scwNi