Kitabka La Taxsan Q1aad
Si’aad u noqoto ta dadka ugu wanaagsan
- Iimaanku wuxuu kaxeeyaa humuumta, wuxuuna suuliyaa qammiga, ............
- Wixii tagay wuu tagay, wixii ku dhaafayna wuu dhintaye ha ka fikirin wixii tagay, waa wax tagay oo aan soo noqanayn.
- Digkriga Illaahay ayey quluubtu ku dagtaa, dunuubtana lagu masaxaa, isaguuna raali kaaga noqonayaa Ilaaha og waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba, isagaana kurbooyinka lagu faydaa
- Cidna hakasugin mahadnaq,waxaa kugu filan ajarkaad helaysee,waxba kaama galin kii bakhaylay ama xaasiday.
- Hadii aad waabariisato hasugin gabal dhacsi, noolow maalintaadu inta ay leegtahay, hamigaagana kusoo koob inaad maalintaada wanaajiso.
- Faraha ka qaad mustaqbalkaaga inta uu ka imanayo, hana isku mashquulin bari, hadii aad wanaajiso maalintaadan barina iyadaa hagaagiye.
- Ka daahiri qalbigaaga xasadka, kana nadiifi cuqdada,............
- Ka fogow dadka wixii aan khayr ka ahayn, ahow tii ku eekaata gurigeeda, iskana jir khaladka badan.
- Kitaabku waa ka saaxiibada u wanaagsan, ee dhex dabaalo kutubta,caalimna la saaxiib,.......
- Kawnka waxaa loo abuuray nidaam, hadaba waa inaad nidaamisaa labiskaaga, gurigaaga, maktabadaada iyo waajibaadkaaga.
- Ku dadaal socodka iyo ciyaaraha ( sport ) , iskana ilaali caajiska, kana dheeroow firaaqa iyo shaqo la’aanta.
- Taariikhda akhri, kana fikir cajaa’ibta ku jirta, una fiir fiirso waxyaabaha layaabkaleh ee ku jira, kuna raaxayso qisooyinka iyo wararka ku jira.
- Cusboonaysii noloshaada,kala nooc ka dhig qaabka aad u nooshahay, badal nooca kaliya ee aad u nooshahay.......
- Ka dheerow balwadaha sida, shaaha, qaxwaha, aadna isooga jir sigaarka, shiishada IWM
- Ilaali nadaafada maryahaaga,wanaajina urtaada, qaabkaagana ku nidaami ( wanaaji ) cadayga iyo udgoonka.
- Xasuusnoow in Rabbigaa uu yahay mid danbi dhaafkiisu uu balaadhan yahay, wuxuu aqbalaa tawbada, wuxuuna cafiyaa adoomadiisa, xumaantana wuxuu ku badalaa wanaag.
- U shukrinaq Rabbigaa nimcoyinkiisa, diinta, caqliga, caafimaadka, asturaada, maqalka, aragga, risqiga, caruurta IWM
- Miyaadan ogayn in dadka ay kamid yihiin ku caqliga waayey ama caafimaadka ama la xidhay ama shalal ku dhacay ama fitnoobay ?!
- La noolow Qur’aanka, xifdin, akhrin iyo ku khushuucidba, isagu waa dawada ugu wayn ee lagu daweeye Hammiga iyo Qammiga.
- Illaahay talo saaro amarkaagana u dhiibo, xukunkiisana ku raali noqo, xagiisana u carar, iskuna halee, ilayn isagaa kugu filane...
- Saamax ka ku dulmiyey, xidhiidhi ka kujara, sii ka kuu diidada, udul qaado ka ku xumeeyey waxaad helaysaa farxad iyo amaane.
- Istiqfaarta badso, waxaad helaysaa risqi, hawlahoo kuu fudaada, duriyad wanaagsan, cilmi wax anfaca iyo dunuubtoo lagaa masaxo.
- Ku qanac, sidaad u eegtahay, gudahaaga, waxaad taqaano, ehelkaaga, gurigaaga, waxaad helaysaa faxad iyo sacaado badane.
- Ogow in culayska uu fudayd ka danbeeyo, farajkuna uu ka danbeeyo dhibaatada, xaalkuna inuuna dhinac kaliya ku daa’imin, ogowna in maalmuhu ay yihiin dawlado “ al ayaamu duwal”
- Rajo yeelo oo ha quusan, wanaaji daniga aad rabigaa ka qabto oo ka sug waxkastoo khayra oo quruxbadan.
- Ku farax doorashada uu Illaahay kuu dooro, ilayn ma ogid sida khayrku kuugu jiree.
- Iska jir daniga xun, kana fogow malaha beenta’ah iyo waxa aan jirin ee ay naftu kuugu sheekaynayso.
- Ogow inayna kaligaa dhibaatadu ku qabsanin, miyuu jiraa qof ka badbaaday Hammi iyo nolol adagi.!
- Ka fikir kuwii nolosha kaaga horeeyey, ee ay ka mid ahaayeen kuwo la xidhay kuwo lacasilay kuwo la dilay kuwo la imtixaamay oo la ibtileeyey IWM

Su'aalo iyo Jawaab
FAQ is empty.
Hadiyad
Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq " SAYID CALI rc "
11/11/2013 01:56
Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri:
- Samada maxaa ka culus ?
- Dhulka maxaa ka ballaaran...
Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa
11/11/2013 01:47
Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:-
- Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa.
- Ruuxii...
Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
11/11/2013 01:41
Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri:
- Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
naxariista...
Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood
11/08/2013 16:25
- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood,
- Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan...
Dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan
11/07/2013 23:40
Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii...
Items: 1 - 5 of 17
Ducooyin
Ducadaan hoos ku xusun waa mid ey ku jurto balanqaad ka ahaaday (allaah subxaanuhu wa tacaalaa) hadaba waa maxaay balan qaadka
11/07/2013 23:21
(Adoonkii aqriyaa subuxii aroortii hore isla maalintaa geeriyooda wa ahlu janno sido kale adoonkii aqriyaa habeenki isla habenka geeriyooda wa ahlu janno
inta taqaano xasuusin wacan. Inta aan aqoon ka faa'iideysi wacan.
aqriso ducadoo ku qoran luuqada soomaaliga
allaahumma! Anta rabbii, laa...